Soo dhawaada.

Gado ama iibso hanti ama guri aan lahay ribo adigoo ku iibsanaya qandaraas heshiis ah ama waxa loo yaqaano “Contract for Deed.”

Waa maxay Contract for Deed?

Contract for Deed waa qandharaas kuu fududaynaya inaad gadato guri ama hanti ganacsi oo aan riba lahayn.

Waxay u shaqaysaa sidan.

Waxaan kula diyaarinaynaa shuruudaha heshiiska adigoo markaa bixinaya lacag hor-u-maris ah.

Waxaan kuu gadaynaa guriga ama hantida aad rabto.

Waxaan kaaga iibinaynaa qandharaas heshiis ah.

Waxaad mulkiyaysaa ama yeelanaysaa hantida ama guriga marka aad dhamaystirto lacagta lagu heshiiyay.

Hadaad rabto ama aad doonayso inaad iibsato guri ama hanti, qaabdhaqmeedka caadada ah ee ku jirto ribaduna uusan kuu shaqaynaynin, waxaan nahay xalka ama jawaabta baahidaada.

Barnaamikeenu wuxuu kuu hayaa shuruudo dabacsan iyo xalka qof kasta oo aan lahyn taariikhda amaahda ama aan wax horay u soo daynsanin.

Codso Hada

Miyaadan doonaynin ama rabin hanti ama guri aad leedahay kaasoo ku filan qoyskaaga oo dhan?

Gadashada guryaha wadankan waxaa caada ah inaad bixiso ribo. Ama aad leedahay taariikhda amaahda oo wanaagsan. Lakin uma baahnid, hadaad dooratid Qandharaaska Heshiiska ama waxa loo yaqaano “Contract for Deed.”

Codso Hada

Su’aalaha soo noqnoqda ama nala waydiiyo

Miyaan u baahanahay inaan leeyahay taariikhda amaahda?

Maya, taariikhda deynetkaada looma baahna si aad guri noola iibsato.

Meeqa ama imisa lacaga Ayaan bixiniyaa mar ka ugu horaysa?

Waxaa muhiim ah in ugu yaraan 20% la keydiyo ka hor intaadan codsan guri. Si kastaba ha ahaatee waxaa jiri kara ikhtiyaarro qandaraas oo ku oggolaan doona wax ka yar 20%.

Gurgiga ma anigaa ayaa yeelanaya?

Haa. Hadii aad nala gasho heshiis ama ganacsi, adiga ayaa yeelanaya guriga. Ma aha kiro. Markii aad buuxiso shuruudaha heshiiska adiga ayaa yeelanaya lahaanshaha hantida ama guriga. Xor iyo xalaal.

Ma la socotaa ama ma ku jirtaa damaanad guryaha?

Hadii aad naga gadato guri cusub oo markaa aan dhisnay, waxaa la socota damaanada wax dhisiha lakin guryaha duuga ah oo dhan waxaa lagaaga iibinayaa sida ay yihiin.

Yaa masuul ka ah dayic tirka ama kharashaadka?

Qofka guriga gadanaya ayaa masuul ka ah dayac tirka iyo kharashaadka. Waxaa kamid ah dayac tirka darbiga ama cowska, bixitaanka qashinka, korantada, biyaha, bulaacada, internetka, telefishanka iyo waliba lacagta la siiyo iskaashatada guryaha meesha aad dagantahay.

Yaa bixinaya lacagta canshuurta iyo caymiska?

Waxaan bixineyna mise kaa dhibeynaa canshuurahaaga iyo caymiska guriga. Kharashyadaan waxaan ku soo aruurineynaa mise ku soo dareyna biil walba lacagta gurigaaga. Fadlan ogow waxaad xor u tahay inaad gadato caymis dheeraad ah oo adiga kuu khaas ah. La xiriir shirkadaha caymiska oo waydii inaad u baahantahay caymis dheeraad ah.

Intee ayay igu qaadanaysaa inaan dhamaystiro bixida lacaagta guriga?

Tani way kala duwan tahay laakiin dhererka muddada ugu badan ee aan hadda haysanno waa 10 sano. Markaad si wanaag leh u dhammaystirto shuruudihii heshiiska-lahaanshaha(contract-for-deed), hantida ayaa markaa laguu wareejinayaa si rasmi ah.

Maxaa dhacaya hadaan bixin kari waayo lacagta bil kasta?

Waa muhiim inaad bixiso lacagta lagaa rabo bil kasta. Hadii ay dhacdo inaadan bixin karin bishaas, waa inaad nala soo xidhiidhaa si dag dag ah si aan uga wada hadalo xalka. Waxaan is ku dayaynaa inaan kula shaqayno. Hadii ay kula soo daristo xaalad adag oo aad awoodi waydo inaan bixiso lacagta lagaa rabo, waxaa macquul ah inaad u baahantahay inaad jebiso heshiiska oo aad soo celiso guriga. Fadlan akhri macluumadka dowlada gobolka Manistota ee ku saabsan qaabka uu u shaqeeyo qandharaaskan heshiiskiisu.

Maxaa dhacaya hadii aan go’aansado inaan guuro, gado ama aan doonayo inaan guri ka fiican iibsado?

Waa inaad nala soo xidhiidhaa si aan uga wada hadalo fursadaha kuu banana ama aan wax uga badali karno heshiiska.

Halkee baan ka gadan karaa guri?

Waxaan haynaa ama ku leenahay guryo gobolka Ministota oo dhan, marka adigu noo sheeg magaalada aad ka rabto guriga markaa aad buuxinaysid codsiga. Ogaysiis: Wakhtigan xaadirka ah waxaa guryaha ka soo iibsanaa ama shaqadeenu ku koobantahay gobolka Manistota. Waxaan ku raja waynahay inaan balaadhino ganacsiganaga marka na loo soo xariir mustaqbalka hadaad rabo inaad guri ka gadato gobolada kale.

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?

Codso Hada